Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abul qayt, ayaa si kulul u cambaareeyey wararka sheegaya in maamulka gobolka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya (Somaliland) uu qorsheynayo inuu xafiis dibloomaasiyadeed ah ka furto magaalada Qudus.
Afhayeenka Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdi, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabadani ay tahay mid baal-marsan sharciga caalamiga ah, isla markaana xadgudub muuqda ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Go’aanka Somaliland ay u aqoosaneyso Qudus dhul Israel ayaa ah mid xasaasiyad gaar ah wata. Dunida inteeda badan ma aqoonsana Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil, sababo la xiriira qaddiyada Falastiin, balse wadamada faro-kutiriska ayaa jira oo aqoonsaday sida Mareykanka (maamulkii Donald Trump 2017), Guatemala, Honduras, Kosovo, Papua New iyo Guinea.
Jaamacadda Carabta ayaa hoosta ka xariiqday in isku-dayga Somaliland uu yahay mid lagu doonayo “aqoonsi raadin rajo-beel ah”, balse ay tahay mid sharciyan dhimatay oo aan wax aqoonsi ah ka heli doonin caalamka Carabta iyo Islaamka.
