November 14, 2026

“Waa Shabaab”, “Waa RSF”, “Shisheeye ayuu la shaqeeyaa”. Waa ereyo si joogto ah uga dhex muuqday siyaasadda Soomaaliya toddobaadyadii iyo bilihii u dambeeyay, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada.

Dhinacyada siyaasadda isku haya ayaa is dhaafsanaya eedeymo culus oo la xiriira amniga, siyaasadda iyo xiriirka dibadda

14-kii bishan, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda inay qorsheynayeen beegsiga siyaasiyiinta mucaaradka ah. Dhankeeda, Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay qaar kamid ah mucaaradka inay ku lug leeyihiin abaabullo iyo dhaq-dhaqaaqyo khatar gelin kara amniga Muqdisho.

Fiqi: “RSF-ta Soomaaliya”

Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa mucaaradka ku tilmaamay RSF-ta Soomaaliya, isaga oo barbar dhigay kooxda hubeysan ee ka dagaallanta dalka Suudaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna sheegay in dhacdooyinkii Muqdisho ka dhacay ay ka dambeeyeen dowlado shisheeye, isla markaana ay la shaqeynayeen siyaasiyiin mucaarad ah.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa isna dhowaan ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu dhaqaale ku bixinayo abaabulka dhallinyaro maleeshiyaad ah oo laga sameynayo deegaanno ka tirsan Puntland.

“Dowladda Puntland waxay si dhow ula socotaa in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu dhaqaale ku bixinayo in dhalinyaro maleeshiyaad ah lagu abuuro deegaanno ka tirsan degmooyinka Xaafuun, Beyla, Eyl iyo Jarriiban.” Saciid Cabdullaahi Deni

Dowladda Federaalka ayaa marar kala duwan ku eedeysay Puntland iyo Jubbaland inay caqabad ku yihiin midnimada dalka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe, ayaa diiday eedeymaha loo jeediyay, isaga oo sheegay inuusan aqoonsi uga baahnayn Dowladda Federaalka.

Laakiin, maxay salka ku hayaan dhammaan eedeymahan? Ilaa hadda, inta badan eedeymaha ay dhinacyadu isu jeedinayaan looma hayo caddeymo rasmi iyo xaqiijin madax-bannaan.

Leave A Reply

Exit mobile version