Maanta mar kale ayaa dib loogu laabanayaa Madaxtooyada Soomaaliya, si loo sii ambaqaado wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kadib laba maalmood oo ay baaqdeen kulamadii labada dhinac.
Hakadka kulamada ayaa salka ku haya is-afgaranwaa la xiriira arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyo doodda ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka. Dowladda ayaa ku adkeysaneysa in la dhammeystiro geeddi-socodka dastuurka, halka Golaha Mustaqbalka ay si cad uga soo horjeedaan in wax laga beddelo dastuurka xilligan.
Jimcihii, Golaha Mustaqbalka waxay soo xusheen guddi kooban oo la filayay inuu matalo wada-xaajoodyada Madaxtooyada. Guddigaas waxaa ka mid ahaa:
• Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni
• Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre
• Xildhibaan Cabdullaahi Carab
• Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Kulankii Sabtidii ee Golaha Mustaqbalka ayaa la sheegay in laga laabtay qorshihii guddiga kooban, iyadoo la go’aamiyay in si buuxda oo wadajir ah loola kulmo dowladda, si toos ahna looga wada xaajoodo qodobada miiska saaran.
Maanta, indhaha ayaa mar kale ku jeeda Villa Soomaaliya, iyadoo laga sugayo natiijada ka soo baxda shirka maanta iyo in labada dhinac ay gaaraan is-afgarad ka gudba khilaafka doorashooyinka iyo dastuurka
