August 12, 2026

Markii ugu horreysay muddo dheer, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa soo saaray warsaxaafaded isku mid ah kaddib kulamadoodii wada-hadalka ee 7dii bisha
Labada dhinac ayaa si isku mid ah u shaaciyay afar qodob oo lagu heshiiyay.

Muddooyinkii hore, marka dowladda iyo mucaaradku wada-hadallo yeeshaan, waxay inta badan soo saari jireen warsaxaafadeedyo kala duwan, mararka qaarna si kala duwan u fasira wixii lagu heshiiyay.

Markan se, labada dhinac waxay soo bandhigeen farriin isku mid ah.

Arrintan waxaa loo fasiran karaa in geeddi-socodka wada-hadallada uu leeyahay hagid iyo jaangoyn ka baxsan labada dhinac, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu ilaalinayo in fariimaha kasoo baxaya kulamadu ay noqdaan kuwo mideysan.

Doorkaas waxaa hoggaaminaya Dowladda Turkiga, oo dhexdhexaadinaysa wada-hadallada.

Waxaa kale oo ay muujin kartaa in wejiga koowaad ee wada-hadallada lagu gaaray is-afgarad ku saabsan habraaca iyo jihada wada-xaajoodka.

Arrimaha doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo qodobada kale ee la isku hayo ayaa la filayaa inay noqdaan kuwa lagu gorfeeyo wejiyada xiga ee wada-hadallada.

Wadahadallada ayaa maanta galay wejigoodii labaad, iyadoo la sugayo natiijada kasoo baxda kulamada xiga iyo in labada dhinac ay sii wadi doonaan wada-shaqeynta ka muuqatay warsaxaafaddii ugu horreysay ee ay si wadajir ah u soo saareen.

Leave A Reply

Exit mobile version