August 12, 2026

Warbaahinta dowladda kaliya ma aha meel war lagu soo gudbiyo… waa kaydka rasmiga ah ee macluumaadka qaranka. Dal kasta, xogta dowladda waxaa si nidaamsan loogu maamulaa website-yo rasmi ah iyo baraha kale ee dijitaal-ka ah.

Villa Soomaaliya → ?

Laakiin marka aad eegto Soomaaliya, gaar ahaan Madaxtooyada…oo aad isku daydo inaad booqato booga webiste-ka villa somalia, waxaa kuu soo baxaya?….

Madaxtooyada Soomaaliya maanta ma laha website rasmi ah oo shaqeynaya oo bulshada si joogto ah xog ula wadaaga. Ila arag mar kale!
—sida muuqata, ma shaqeynayo.

⚠️ Website Down

Xitaa link-ga ku xiran bogga Facebook-ga Madaxtooyada… isna ma furmayo.

Facebook Link → ❌ Ma shaqeynayo

Horey, Villa Soomaaliya waxay lahayd website firfircoon oo lagu daabici jiray wararka, xogta xafiiska madaxweynaha, dhaqdhaqaaqa shaqo iyo go’aannada dowladda.

Hadda, maxaa ku dhacay? Maxaa helay website-kii?

Ma cillad farsamo ayaa jirta… mise waa mid lagu talagalay inay sidaas noqoto?

SNTV & Radio Muqdisho → Caqabado muuqda

Arrintu kuma koobna Madaxtooyada oo keliya.

Wasaaradda Warfaafinta iyo warbaahinta dowladda sida SNTV iyo Radio Muqdisho—iyaguna caqabado la mid ah ayay leeyihiin.

Marka aad gasho website-ka SNTV, waxaad arkaysaa xogo aan nidaamsanayn iyo qaanado isku dhex yaacsan.

Tusaale ahaan, qaybta loogu talagalay “Argagixisada”waxaa ku jira warar isdiiddan—xitaa qaar aan khuseyn mowduuca, oo ay ku jiraan warar togan.

Tani waxay muujinaysaa gaabis ka jira habka maamulka xogta iyo kalsoonida warbaahinta dowladda.

Baraha Bulshada ✔️
Website rasmi ah ❌

Iyadoo dowladdu si buuxda u isticmaasha baraha bulshada sida Facebook, Twitter iyo TikTok… haddana gaabiska ka jira baraha website-yada rasmiga ah ayaa abuurayaa farqi weyn oo dhanka xogta ah.

Yaa mas’uul ka ah hagaajinta?

Leave A Reply

Exit mobile version