Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusamareeb, xilli ay jiraan dadaallo lagu doonayo in xal looga gaaro doorashada Galmudug.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in safarka Ra’iisul Wasaaruhu uu la xiriiro dadaallo looga heshiinayo ismariwaaga hareeyay geeddi-socodka doorashada maamulka Galmudug.
Safarka Xamse waxaa ka horreeyay Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Salaad, oo la sheegay inuu magaalada Dhuusamareeb kulamo xiriir ah kula yeeshay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Wararka ayaa tilmaamaya in kulamadan ay diiradda saarayeen shuruudaha iyo hannaanka lagu qabanayo doorashada Galmudug, iyadoo la filayo in Ra’iisul Wasaaruhu uu gunaanado wadahadallada isla markaana uu meel mariyo heshiis kasta oo laga gaaro arrintaas.
Waxaa jira warar sheegaya in Dowladda Federaalka ay taageersan tahay ganacsade Liibaan Axmed Xasan uuna yahay musharraxa ay doorbideyso inuu qabto xilka Madaxweynaha Galmudug.
Liibaan Axmed Xasan ayaa sidoo kale ah musharraxa Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka Soomaaliyeed ee JSP, oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ilaa hadda, Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug si rasmi ah ugama hadlin wararkan la xiriira taageerada musharraxiinta iyo natiijada wada-hadallada socda.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha iyo kulamada ka socda Dhuusamareeb ayaa kusoo aadaya xilli la wada dhowrayo sida loo maareyn doono doorashada Galmudug iyo in laga gaari doono heshiis siyaasadeed oo lagu wada qanacsan yahay.
