Khudbaddii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyay furitaanka kalfadhiga cusub ee Baarlamaanka waxay mar kale dib u dhalisay doodda u dhexeysa dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.
Dooddu waxay ku saabsan tahay su’aasha ah; “Soomaaliya maanta ma ka amni iyo xorriyad badan tahay sidii hore?”
Madaxweynaha wuxuu is barbar dhigay Soomaaliya maanta iyo xilliyadii ay xilalka hayeen hoggaamiyeyaashii isaga ka horreeyay. Isagoo u muuqday inuu si dadban ula hadlayo xubnaha Golaha Mustaqbalka, wuxuu sheegay in Soomaaliya maanta aysan ahayn dalkii ay soo maamuleen madaxii hore.
“Soomaaliya maanta ma aha tii aad madaxweynaha ku meel gaarka ka ahayd, ma aha tii aad madaxweynaha ka ahayd, ma aha tii aad ra’iisul wasaaraha ka ahayd, ma aha tii aad wasiirka ka ahayd” – Xasan Sheekh
Laakiin hadalkaasi wuxuu si toos ah uga hor imanayaa sawirka ay mucaaradku ka bixinayaan xaaladda dalka. Kaddib dhacdooyinkii 3-dii Juun ee Muqdisho, Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay in qorshuhu uu ahaa in isaga la dilo. “Waxaa la qorsheeyay in halkaas la igu dilo.” – Shariif Sheekh Axmed
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya maanta ay tahay dal uu qof walba si xor ah ugu safri karo meel kasta oo uu doonayo, haddii uusan wax u dhimeyn amniga. “Soomaaliya maanta qof kasta waa xor, meesha aad rabto ayaad isugu tegi kartaan, haddii aadan amniga wax u dhimeyn”. MW Xasan Sheekh
Laakiin Shariif Sheekh Axmed wuxuu isna mar hore su’aal geliyay dooddaas. Mar uu ka hadlayay xorriyadda dhaqdhaqaaqa, wuxuu isweydiiyay sababta uusan isaga si xor ah ugu degi karin meel kasta oo Muqdisho ka tirsan.
Halkaas ayay maanta isku hayaan dowladda iyo mucaaradku.
Mid wuxuu leeyahay, “Soomaaliya way is beddeshay”. Kan kalena wuxuu leeyahay, “Weli xorriyadda iyo amniga siyaasadeed lama wada dareemayo oo anaga oo madaxdii dalka soo maray aha ayaa nala beegsanayaa”. Waa laba arrimood oo gebi ahaanba iska soo horjeeda.
Villa Somalia waxay ku doodaysaa in Soomaaliya maanta ay ka amni badan tahay, isla markaana xorriyadda dhaqdhaqaaqu ay tahay mid la wada leeyahay.
Golaha Mustaqbalkuna wuxuu ku doodayaa in dhacdooyinkii dhacay iyo cabashooyinka siyaasadeed ay muujinayaan in weli ay jiraan caqabado dhinaca amniga iyo xorriyadda siyaasadeed.
