August 12, 2026

Wadahadalladii u dhaxeeyay Maraykanka iyo Iiraan ee ka socday magaalada Islamabad, ee dalka Pakistan, ayaa ku dhammaaday ismariwaa, kadib markii labada dhinac ay isku fahmi waayeen qodobo masiiri ah. Islamabad ayaa martigelisay kulan heer sare ah oo si weyn isha loogu hayay, xilli ay lix toddobaad socoto xiisad dagaal oo u dhaxeysa Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan. Ujeeddadu waxay ahayd in la xoojiyo xabbad-joojinta kumeel-gaarka ah—hase yeeshee, dadaalkaasi wuu fashilmay.

Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka, JD Vance, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Iiraan ay diiday shuruudihii Maraykanka. Qodobada ugu waaweyn ee muranka dhaliyay waxay ahaayeen laba arrimood oo xasaasi ah: furista marin-biyoodka Hormuz iyo mustaqbalka barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

Iiraan waxay si cad u diidday in si degdeg ah loo furo marin-biyoodka Hormuz, iyadoo ku xirtay arrintaas heshiis dhammaystiran oo kama dambeys ah. Sidoo kale, waxay diidday inay ka tanaasusho kaydkeeda nukliyeerka. Go’aankan adag ee Iiraan waxaa saldhig u ah kalsooni darro qoto dheer oo ay ka qabto Maraykanka—gaar ahaan jebintii heshiiskii hore ee nukliyeerka iyo dagaalladii dhacay xilli wadahadallo socdeen.

Dhinaca Maraykanka, Madaxweyne Donald Trump ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo sii kordhaya. Qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay, ra’yul-caamkuna wuxuu muujinayaa diidmo dagaalka ah. Sidoo kale, doorashooyinka Koongareeska ee soo socda ayaa sii adkeynaya xaaladda siyaasadeed ee Aqalka Cad. Waxaa muuqata in Maraykanku uu wajahayo go’doon diblomaasiyadeed, iyadoo xulafadiisii hore aysan diyaar u ahayn inay taageero milatari ka geystaan furista marin-biyoodka Hormuz.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in Shiinaha uu si dadban u taageerayo Iiraan, isagoo u soo marinaya hub difaac oo casri ah, arrin wax ka beddeli karta miisaanka awoodda ee gobolka.

Xaaladdu waxay u muuqataa mid sii cakirmeysa. Maraykanku wuxuu raadinayaa guul siyaasadeed oo degdeg ah, halka Iiraan ay ku adkeysanayso dammaanad buuxda oo mustaqbalka ah. Suuragal ma tahay in dib loogu laabto miiska wadahadallada, mise xiisaddu waxay u sii gudbi doontaa marxalad ka khatar badan middii hore?

Leave A Reply

Exit mobile version