November 14, 2026

Xisbiga Prosperity Party ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa guul weyn ka gaaray doorashada baarlamaanka Itoobiya, kadib markii ay heleen inta badan kuraasta Golaha Wakiillada Shacabka, sida uu shaaciyay Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka Itoobiya (NEBE).

Xisbiga Prosperity Party ee talada Itoobiya haya ayaa ku guuleystay 438 ka mid ah 486 kursi oo lagu tartamay Golaha Wakiillada Shacabka, taasoo u dhiganta ku dhawaad 90% kuraasta la shaaciyay.

Natiijada doorashada ayaa u sahleysa Abiy Ahmed inuu sii hoggaamiyo Itoobiya muddo xileed kale, iyadoo codbixinta ay ka qabsoontay meelo badan oo dalka ah, halka qaybo ka mid ah gobollada Tigray, Amhara iyo Oromia aysan doorashadu ka dhicin sababo la xiriira xaaladaha amni iyo colaadaha ka taagnaa.

Leave A Reply

Exit mobile version