Khilaafka ku saabsan hoggaanka degmooyinka Muqdisho ayaa soo cusboonaaday kaddib markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, uu sameeyay magacaabis cusub, taas oo ay ka horyimaadeen xubno ka tirsan Golaha Deegaanka.
Xildhibaannada diidan magacaabista ayaa ku doodaya in guddoomiyeyaasha degmooyinka lagu soo doorto codka golaha, halkii uu guddoomiyaha gobolka si toos ah u magacaabi lahaa.
2-dii Nofeembar, Muungaab ayaa xilka guddoomiyaha degmada Boondheere ka qaaday Cabdullaahi Xasan Sheekh Cabdi, isagoo xilkaas u magacaabay Maxamed Cabdullaahi Cumar.
Tallaabadan ayaa dhalisay cabasho ka timid xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, kuwaas oo sheegay in shacabka ay doorteen 25-kii Diseembar 2025, isla markaana la dhaariyay 2-dii Abriil 2026, balse aan weli la qaban doorashadii guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo ku-xigeennadooda.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa 13-kii Juun ku dhawaaqday in doorashada la qabanayo 5-ta Luulyo, hase yeeshee doorashadaasi ma qabsoomin, mana jirto taariikh cusub oo la shaaciyay.
Xubnaha Golaha Deegaanka ayaa sheegaya in dib-u-dhaca doorashadu uu hakad geliyay gudashada waajibaadkooda, isla markaana uu wiiqayo doorkooda ku aaddan maamulka degmooyinka.
Waxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Doorashooyinka ka dalbanayaan inay caddeeyaan sababta doorashadu u qabsoomi weyday
Muranku wuxuu hadda ku saabsan yahay cidda awoodda u leh magacaabista guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo doorka Golaha Deegaanka ee hoggaanka maamulka Banaadir.
Xildhibaannada ayaa ku adkeysanaya in codkii shacabka lagu soo doortay uu saldhig u noqdo go’aaminta hoggaanka degmooyinkooda, halka aan weli jawaab rasmi ah laga helin sababta doorashadii loo ballanqaaday dib ugu dhacday.
Magacaabista cusub ee Boondheere ayaa dib u soo celisay doodda ku saabsan awoodaha Golaha Deegaanka iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Waxaa hadda la sugayaa mowqifka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Doorashooyinka, iyo in la shaaciyo jadwal cusub oo lagu soo dooranayo guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho.
