Hadal-heyn ballaaran ayaa ka dhalatay baraha bulshada Soomaalida, kaddib markii Yasmin Cabdi — oo ah gabar Soomaaliyeed oo ka shaqeysa shirkadda Snapchat — ay wareysi siisay wariye Cabdijaliil Cusmaan, isla markaana la soo bandhigay sawirro hordhac u ahaa wareysiga
Iyadoo la sugayay sii deynta wareysiga, ayaa Cabdijaliil Cismaan warqad uu soo saaray ku sheegay in gebi ahaanba la baajiyay barnaamijkii, sababtaas oo uu ku macneeyay “tixgelin uu u hayo daawadayaashiisa.”
Go’aankaas ayaa dhaliyay doodda ku saabsan cidda ay tahay Yasmin Cabdi iyo sababta xiisaha badan u dhalisay joojinta barnaamijka lagu wareystay.
Haddaba, waa tuma Yasmin Cabdi?
In ka badan soddon sano ka hor ayay reerka Yasmin ka qaxeen soomaliya ayago ka mid ahaa dadkii ka barakacay dagaalkii sokeeye ee dalka. Qoyskeeda ayaa degay Mareykanka, halkaas oo ay ku kortay kuna qaadatay waxbarashadeeda.
Maanta, Yasmin waa injineer sare oo ku takhasustay Security Engineering — gaar ahaan amniga dijitaalka, asturnaanta xogta, iyo ilaalinta macluumaadka shirkadaha waaweyn. Waxay ka tirsan tahay shirkadda Snapchat, halkaas oo ay door hoggaamineed ka qaadato dhanka ilaalinta iyo amniga xogaha.
Yasmin waxay sidoo kale ka soo shaqeysay shirkado waaweyn oo tiknoolajiyadeed sida Google iyo Meta, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee ka dhex muuqda shirkadaha tiknoolajiyadda Mareykanka.
Hal-abuur iyo Maalgashi
Yasmin Cabdi waxay sidoo kale si wadajir ah u aasaastay barnaamij ku shaqeeya Garaadka Macmalka (AI), kaas oo lagu gaaray heshiis maalgashi oo lagu qiyaasay ku dhowaad $95 milyan. Mashruucaas ayaa diiradda saaraya xalal amni iyo farsamooyin cusub oo lagu xoojinayo ilaalinta xogta iyo ka hortagga khataraha dijitaalka ah.
Intaa waxaa dheer, waxay tahay Agaasimaha Guud (CEO) ee shirkad bixisa xalal amni oo ku dhisan AI, iyadoo diiradda saarta ka hortagga weerarrada internet-ka iyo xoojinta difaaca nidaamyada shirkadaha.
Saameynta Bulshada
Yasmin Cabdi waxay tusaale u tahay jiil cusub oo Soomaali ah oo ku guuleystay in ay ka dhex muuqdaan shirkadaha caalamiga ah, gaar ahaan tiknoolajiyadda. Guusheeda xirfadeed ayaa noqotay mid soo jiidatay indhaha bulshada, taasoo keentay in wareysigeeda la sugayay uu noqdo mid xiiso gaar ah leh.
Ma kula tahay inay mudneyd in la daayo wareysiga Yasmin?
