August 12, 2026

In ka badan kun qof oo fursado shaqo oo kooban u tartamayeen. Waa muuqaal muujinaya mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee maanta horyaalla dhalinyarada Soomaaliya, shaqo la’aanta.

Dal ay ku dhawaad 70% dadkiisu ka yar yihiin 30 sano, kumannaan dhallinyaro ah ayaa maalin kasta suuqa shaqada soo gala, balse fursadaha jira ayaa aad uga yar tirada shaqo doonka.

Shaqo la’aantu ma ahan oo keliya dhibaato dhaqaale. Waa mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee dhallinyarada Soomaaliyeed ugu biiraan safarrada halista ah ee tahriibka.

Tan iyo bilowgii sanadkan, ugu yaraan 578 Soomaali ah ayaa laga soo celiyay Liibiya, kuwaas oo isugu jiray dhallinyaro, haween, carruur iyo qoysas, kadib markii ay la kulmeen xabsi, jirdil iyo xaalado bani’aadannimo oo aad u adag.

Daraasado kala duwan ayaa muujinaya in shaqo la’aanta, duruufaha dhaqaale iyo rajada nolol wanaagsan ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee dhalinyaro badan ugu halgamaayaan jidka tahriibka.

Taasi waxay ka dhigeysaa shaqo abuurka mid aan ahayn oo keliya arrin dhaqaale…balse sidoo kale arrin amni, iyo mustaqbal qaran. Waayo marka kumannaan qof ay u tartamaan dhowr fursado oo keliya, fariintu waa cadahay.

Soomaaliya waxay leedahay dhallinyaro diyaar u ah inay shaqeeyaan. Caqabadda jirta waa in shaqooyinka ay aad uga yar yihiin dadka shaqo doonka ah. Ma jiraa qorshe qaran oo loogu talagalay in wax laga qabto arrinkan, shaqa la’aantuse ma wax loo arkaa arrin dhaqaale oo kaliye

Leave A Reply

Exit mobile version