August 12, 2026

Cabdiraxmaan Caynte, oo ah hoggamiyaha Xisbiga Xaqsoor kana tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, ayaa ka digay in Soomaaliya ay wajahayso xaalad lamid ah tii Afgaanistaan, isagoo sheegay in dalka uu halis ugu jiro in uu raaco waddadii ay kooxda Daalibaan kula wareegtay awoodda, haddii aan si taxaddar leh loo maareyn marxaladda siyaasadeed iyo tan amni.

Caynte ayaa hadalkan ka jeediyay dood ay soo qabanqaabisay Madasha Muwaadin, sidoo kalena, uu ka qeybgalay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Wuxuu sheegay in doorashooyinka hadda laga diyaarinayo Soomaaliya ay xusuusinayaan xaaladdii ka jirtay Afgaanistaan ka hor intii aysan Daalibaan la wareegin talada dalka.

Sidoo kale, wuxuu ka digay in bixitaanka Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM uu abuuri karo khatar amni oo weyn, isagoo xusay in ciidamada Soomaaliyeed ay weli u baahan yihiin taageero caalami ah si looga hortago dib u soo kabashada Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya, xilli la filayo in magaalada Kampala ee dalka Uganda lagu qabto shir ay isugu imaanayaan; dalalka ciidamada ku leh howlgalka AUSSOM iyo saaxiibbada Soomaaliya. Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii xal loogu heli lahaa maalgelinta hawlgalka, kaddib markii Mareykanku uu shaaciyay inuu joojin doono dhaqaalihii uu ku taageeri jiray hawlgalka dhammaadka sannadka 2026.

Doodaha la xiriira mustaqbalka amniga Soomaaliya iyo qorshaha kala guurka mas’uuliyadda amniga, ayaa noqday kuwo sii xoogeysanaya; iyadoo dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso in ciidamada qaranku ay si tartiib tartiib ah ula wareegayaan amniga dalka, halka falanqeeyayaal iyo siyaasiyiin qaar ay ka muujinayaan walaac ku saabsan caqabadaha weli taagan.

Leave A Reply

Exit mobile version