August 12, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland uu sii kiciyay xasillooni-darro, uuna ka hor imanayo nidaamka caalamiga ah iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay Al Jazeera, isagoo ku sugan magaalada Doha, ayuu ku caddeeyay in saldhig ciidan uusan ahayn goob dalxiis, balse uu yahay xarun militari oo loo adeegsado weerar ama is-difaac, ayna Soomaaliya diidan tahay joogitaan ciidan oo shisheeye.“Saldhig ma aha goob dalxiis. Waa mid ciidan, ciidan na micnaheedu waa weerar ama difaac,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in aan weli la arag ciidamo Israa’iili ah oo ku sugan Soomaaliya, isla markaana uusan filayn inay imaan doonaan mustaqbalka dhow.

Madaxweynuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in haddii saldhig ciidan la dhiso, Soomaaliya ay iska caabin doonto. “Waan dagaalami doonnaa inta awoodeenna ah. Dabcan waan is-difaaci doonnaa,” ayuu yiri.

Hadalladan ayaa imanaya xilli ay jirto caro iyo diidmo xooggan oo ka dhalatay go’aankii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu bishii Diseembar ku aqoonsaday maamulka Somaliland.

Dhanka kale, weli ma jiro xaqiijin rasmi ah oo muujinaysa in Israa’iil qorsheyneyso inay saldhig ciidan ka dhisato Soomaaliya ama Somaliland.Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Geeska Afrika uu noqday goob ay ku loollamayaan quwadaha caalamka, isaga oo tilmaamay in faragelinta Israa’iil ee arrimaha Soomaaliya ay khatar ku tahay amniga, ganacsiga iyo xasilloonida gobolka iyo Badda Cas, isla markaana ay sii wiiqayso nidaamka iyo sharciga caalamiga ah

Leave A Reply

Exit mobile version