Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa magaalada Riyaad ku kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga dhinaca milatariga, kaas oo ay wada saxiixeen Wasaaradaha Gaashaandhigga ee labada dal.
Heshiiskan waxaa saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Boqortooyada Sucuudiga, Amiir Khalid bin Salman. Ujeeddada heshiiska ayaa ah xoojinta iskaashiga difaaca, tababarrada ciidanka, iyo arrimaha amniga Heshiiskan wuxuu sii adkeynayaa xiriirka milatari iyo difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga, isaga oo daboolaya dhinacyo kala duwan oo iskaashi istaraatiiji ah.
Wararka ayaa sheegaya in Soomaaliya horey Sucuudi Carabiya uga codsatay taageero ciidan iyo agab, oo ay ka mid yihiin diyaarado dagaal. Aqbalidda codsiyadaas ayaa la filayaa inay caddaato kaddib kulamo heer sare ah oo uu Madaxweynaha Soomaaliya la yeesho hoggaanka Boqortooyada.
Sucuudiga ayaa la tilmaamay inuu diyaar u yahay taageero dhinaca tababarka iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya, iyadoo wafdiyo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Fiqi — iyo Wasiirka Amniga Cabdullaahi Fartaag — ay ku sugan yihiin dalkaas.
Qodobada Soomaaliya mudnaanta siinayso waxaa safka hore kaga jira horumarinta iyo qalabaynta ciidanka cirka, oo ay ku jirto helitaanka diyaarado dagaal.
