November 16, 2026

Sideed badmaaxayaal oo Masaari ah, kana tirsanaa shaqaalihii markabka M/T EUREKA, ayaa si nabad ah ugu laabtay Qaahira, kaddib markii ay 151 maalmood ku jireen gacanta burcad-badeed.

Badmaaxayaasha ayaa Qaahira gaaray habeenkii 4-ta Oktoobar, kaddib markii loo sii marsiiyay Muqdisho, iyadoo safaaradda Masar iyo dhinacyo kale ay gacan ka geysteen soo celintooda.

Siideyntooda waxaa lagu dhawaaqay 30-kii Sebtembar, waxaana imaatinkooda Masar uu soo afjarayaa qaybtii la xiriirtay la-haystayaasha Masaarida ee kiiska EUREKA.

Dowladda Masar ayaa sheegtay in siideynta ay ka dambeysay xiriirro iyo dadaallo ay ku lug lahaayeen mas’uuliyiin Soomaali ah iyo kuwa Puntland, Yemen, milkiilaha markabka iyo dhinacyo kale.

Markabka EUREKA ayaa la afduubtay 2-dii May 2026, waxaana markii dambe loo qaaday dhanka biyaha Puntland.

Leave A Reply

Exit mobile version