November 16, 2026

Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay shan saldhig oo ciidan oo ku yaalla aagga Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Taliska Guutada 45-aad ee Embresso, waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada 45-aad, Gaashaanle Sare Dr. Justus Musenene, oo ku hadlayay magaca Taliyaha Qeybta Koowaad, iyo Sareeye Guuto Jackson Kayanja. Waxaa sidoo kale ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baraawe iyo saraakiil sare oo ka kala socday Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada Uganda.

Shanta saldhig ee lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya ayaa kala ah Barawe Embresso, Barawe Knoll, Kismayo Road, Seaport iyo Runway. Sida uu sheegay AUSSOM, dhammaan saldhigyadan ayaa ahaa kuwo shaqeynayay markii xilka lagu wareejinayay ciidamada Soomaaliyeed.

Gaashaanle Sare Musenene ayaa uga mahadceliyay bulshada Baraawe taageeradii ay siiyeen ciidamada Uganda muddadii ay halkaas ka howlgaleen, isaga oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu baaqay inay ilaaliyaan guulaha amni ee la gaaray, bulshada deegaankana ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu ilaalinayo nabadda.

Taliyaha Guutada 23-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Sare Maxamed Axmed Cabd, ayaa iskaashiga ciidamada Soomaaliya iyo Uganda ku tilmaamay mid taariikhi ah, isaga oo ammaanay kaalintii ciidamada Uganda ee mashaariicda horumarinta iyo taageerada bulshada.

Wareejintan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo la wareegidda mas’uuliyadda amniga ee ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo howlgalka AUSSOM uu sii wado qorshaha kala wareejinta saldhigyada iyo mas’uuliyadaha amni.

Leave A Reply

Exit mobile version