Xiisad iyo dhaqdhaqaaq militari ayaa ka taagan Bariga Dhexe, kaddib markii Iran ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ku weerartay qaar ka mid ah dalalka gobolka, oo ay ku jirto Imaaraadka Carabta.
Nidaamyada difaaca hawada ee Imaaraadka iyo Turkiga ayaa la sheegay inay ka hortageen weerarradaas, iyadoo inta badan gantaallada iyo drones-ka la burburiyay ka hor inta aysan bartilmaameedkooda gaarin.
Turkiga ayaa soo saaray digniin culus oo ku saabsan gantaal laga soo tuuray Iran oo la sheegay inuu ku socday jihada Turkiga. Nidaamyada difaaca ee NATO ayaa lagu guuleystay in lagu joojiyo gantaalkaas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku baaqay in si dhow loola socdo tallaabooyinka Iran, isaga oo uga digay khatarta ay ku keeni karaan amniga gobolka.
Xiisaddan sii kordheysa ayaa muujinaysa welwelka amni ee dalalka Bariga Dhexe, iyo diyaar garowga ay wadaan si ay uga hortagaan weerarro kale oo dhici kara.
