Madaxweyne Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay dalka Türkiye…
Waxa la filayay inuu raacayo diyaaradda madaxweynaha ee Air Force One.
Laakiin dhab ahaantii, waxaa la ogaaday in diyaarad kale uu si qarsoodi ah ugu baxay, kadib markii la helay hanjabaad amni oo Iran lala xiriiriyay.
Sida ay Reuters ka soo xigatay warbixin ay daabacday Washington Post, Trump ayaa bishii hore si qarsoodi ah uga baxay magaalada Ankara, kadib markii sirdoonka Mareykanku helay hanjabaad loo arkay mid dhab ah
Trump wuxuu markii hore raacay diyaaradda Air Force One, iyadoo warbaahintu aaminsanayd inuu diyaaraddaas ku safri doono.
Laakiin wax yar kadib…waxaa si qarsoodi ah loogu wareejiyay diyaarad kale oo nooca C-32A ah.
Diyaaraddaas ayaa si toos ah ugu duushay Britain, iyadoo Air Force One-kii ay warbaahintu saarnayd uu gadaal ka raacay.
Hadaba, maxaa loo qariyay safarka Madaxweynaha?
Sida warbixintu sheegtay, qorshahan qarsoodiga ah waxaa loo sameeyay in la yareeyo khatarta ah in diyaaradda Madaxweynaha la beegsado.
Warbaahinta iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Aqalka Cad ayaa markii hore aaminsanaa in Trump uu saaran yahay Air Force One-kii hore.
Xitaa wariyeyaasha saarnaa diyaaradda waxaa lagu amray inay daaqadaha qeybta warbaahinta xirnaadaan inta duulimaadku socdo.
Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in hanjabaadaha amni ay yihiin arrin ay si dhab ah u qaataan
Dhacdadan waxay kusoo beegmaysaa xilli xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ay weli sareyso.
Iran ayaa hore ugu hanjabtay in haddii Mareykanku qaado weerarro cusub, ay beegsan karto danaha Mareykanka iyo kaabayaasha muhiimka ah ee gobolka.
Sidaas darteed, safarkii qarsoodiga ahaa ee Trump wuxuu muujinayaa heerka ay gaartay walaaca amni ee ku hareeraysan Madaxweynaha Mareykanka, xilli Washington iyo Tehran ay weli ku jiraan iska horimaad iyo dadaallo diblomaasiyadeed oo is barbar socda.
