Golaha Khubarada ee Iran ayaa Mojtaba Khamenei u doortay inuu noqdo Hoggaamiyaha sare ee dalka Iran, isagoo beddelay hoggaamiyihii hore Ayatollah Ali Khamenei oo lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil 28-kii Feb. 2026.
Markii la shaaciyay doorashadiisa, waxaa meelo ka mid ah dalka ka bilowday dabaaldegyo lagu soo dhaweynayo hoggaamiyaha cusub.
Hadaba waa kuma Mojtaba Khamenei?
Mojtaba Khamenei waa 57jir ku dhashay magaalada woqooyiga-bari ee Mashhad, waana wiilka labaad ee, Ayatollah Ali Khamenei. Waxbarashadiisa diineed waxa uu ku qaatay xarumaha cilmiga Shiicada ee Iran, isagoo bartay fiqiga, tafsiirka, iyo arimaha maamulka diinta.
Waa wadaad Shiico ah oo leh darajo Hojjatoleslam, oo kana hooseysa darajada Ayatollah.
Islamarkaana saameyn weyn ku lahaa siyaasadda gudaha iyo hay’adaha ammaanka, gaar ahaan xiriirka uu la leeyahay Revolutionary Guard Corps IRGC oo ah Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamka ee Iran.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa si weyn uga soo horjeedday in Mojtaba Khamenei uu noqdo hoggaamiyaha cusub. Iyagoo ka walaacsan in hoggaamintiisu sii adkeyn doonto siyaasadda Iran.
Mojtaba ayaa muddo dheer loo arkayay inuu ka mid yahay dadka ku dhow xarunta go’aan-qaadashada ee Iran, gaar ahaan sannadihii dambe ee hoggaamintii aabbihiis Ayatollah Ali Khamenei.
