Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa caddeeyay in muddada xilka hay’adaha dowladda ay tahay shan sano, isla markaana aanay jirin cid dib uga laabanaysa arrintaas.
“Muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh kuma eka 15 May, Dastuurka wuxuu dhigayaa 5 sano inuu xilka sii hayo, meel lagu baxo shan sano ma jirto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre
Dood xooggan ayaa ka taagan muddada xilka hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya—iyadoo aragtiyo kala duwan ay kasoo baxayaan madaxda dowladda iyo mucaaradka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa horey u sheegay in Baarlamaanka uu sii shaqeyn doono hal sano oo dheeraad ah, kaddib ansixinta dastuurka cusub.
“Baarlamaanka wuxuu sii shaqeyn doonaa sida uu dhigay dastuuska cusub.” ayuu yiri Aadan Madoobe
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Muqdisho.
Labadii maalmood ee u dambeysay, waxaa magaalada Muqdisho ka socday kulammo siyaasadeed oo ay yeesheen qaar ka mid ah mucaaradka dowladda. Kulammadan oo ay ku sheegeen wadatashiyo ayay layeelanayaan odayaasha dhaqanka, culimada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kulamadaan ayaa ka dhacaya guriga madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, halkaas oo lagu falanqeeynayo xaaladda siyaasadeed, iyo mustaqbalka doorashooyinka
Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, oo xalay la kulmay dhalinyarada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtigiisu sii dhammaanayo.
Khayre ayaa ku eedeeyay dowladda inay dooneyso muddo kororsi, arrintaas oo sii hurisay doodda siyaasadeed.
“Madaxweynoow 25-ka maalmood kuu harsan,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.
Dhanka kale, Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka ayaa amar ku bixiyay in wasiirrada ay kala doortaan xilka wasiirnimo ama xildhibaanimo, maadaama dastuurku uusan oggolayn in la isku hayo labadaba.
Arrimahan oo dhan waxay muujinayaan khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, kuna saabsan dastuurka, muddada xilka, iyo hannaanka doorashooyinka dalka.
Haddaba, maxay yihiin sababaha dhabta ah ee keenay khilaafkan? Sideese mucaaradku door ugu leeyihiin jihada siyaasadeed ee dalka?
Khilaafka Siyaasadeed ee Soomaaliya
Muddada Xilka • Dastuurka • Doorashooyinka
