“Dowladda ayaa iibsatay qaar kamid ah milkiilayaasha iyo mihnadlayaasha saxaafadda, waana halka dhibaatadu ka jirto. Hay’adaha warbaahinta waxay u kala baxeen laba qaybood, qayb la iibsaday iyo qayb ka carreysan in aan la iibsan”. – Cadirisaaq Dhagacadde.
Maalintii shalay, waxaa si muuqata u iftiimay tabar-darrada warbaahinta iyo hal-abuur la’aanta xirfadlayaasha Saxaafadda. Waxaa warbaahinta lagu faafiyay ciwaan ah, “Mucaaradka Hawiye oo la kulmay culimada Hawiye” – taas oo keentay in ay su’aal is weydiinayeen dadka xirfaddan yaqaanna. Saxafiyiintu,imisa magac iyo sumcad ayay u heli kareen ragga kulmay? Ma si ula kac ah ayay ugu “huwiyeen” astaan heybeed, mise waxaa jirta tabar darro hay’adeed iyo tababar la’aan saxaafadeed?
Arrintu ma aha oo kaliya sida loo warinayo, balse waa sida loo fekerayo. Marka war kasta lagu koobo nuxur qabiil – oo aan loo qaabeyn si uu uga qayb qaato korriinka bulshada; waxaa lumaya macnaha guud ee saxaafadda iyo ujeeddada dhabta ah ee jiritaankeeda. Warbaahintu halkii ay ka bixin lahayd sawir dhammaystiran, ma aha inay bulshada geliso faham kooban oo qalloocan.
Dhinaca kale, heybta ka qeybgalayaasha kulanka muhiim ma ahayn. Kulankaasi ma ahayn dhacdo cusub oo gaar ah; waa mid caadi ah oo marar badan dhaca. Waxa se ka duwanaa waxay ahayd, baahida loo qabo in bulshada la siiyo faaqidaad wax ku ool ah; in la falanqeeyo waxa laga filayo culimada, saameynta ay ku leeyihiin bulshada, sababta siyaasiyiintu mudnaan u siinayaan, doodda siyaasiyiinta iyo waxa dhabta ah ee ka dambeeya kulanka ee bulshada ka qarsoon siyaasiyiintu ma tixgaliyaan dowrka bulshada rayidka ah.
Haddii warbaahintu ku ekaato cinwaan jahawareer abuuraya oo aan qoto dheereyn, waxay dayaceysaa doorkeedii wargalin iyo hoggaaminta wacyiga bulshada. Waxaa lagama maarmaan ah, in saxaafaddu ka gudubto summadeynta shaqsiyaadka ama qabaa’ilka. Qabiilka iyo odayaasha dhaqanku waa door la wada ogyahay, balse qaybaha kale ee bulshada ee leh magacyo kale, waa in la siiyo magacyadooda ama ururadooda.
Saxaafadduna waa in ay u gudubtaa falanqayn furan oo mas’uuliyad leh, isla markaana bulshada u iftiimisa xaqiiqooyinka qarsoon, iyada oo ilaalinaysa saxnaanta waxa ay tabineyso, sidoo kalena ilaalineysa ilaha xogta (sources).
Milkiilayaasha hay’adaha warbaahinta, doorkoodu wuxuu noqday isku dhafka ganacsi iyo wax u eg dulmi bulsho. Waa in bulshada rayidka ahi ay kaalinteeda qaadato, hay’adaha warbaahineedna loo sheego in dhegaha bulshada aan lagu shubin wax ka baxsan anshaxa saxaafadda.
Dhinaca kale, dowladda ayaa iibsatay qaar kamid ah milkiilayaasha iyo mihnadlayaasha saxaafadda, waana halka dhibaatadu ka jirto. Hay’adaha warbaahinta waxay u kala baxeen laba qaybood, qayb la iibsaday iyo qayb ka carreysan inaan la iibsan.
Waxaa jira hay’ado warbaahineed oo cusub oo si ka duwan kuwa kale u muujiyay in ay fulin karaan adeeg warbaahineed, iyaga oo raacaya habraacyada saxaafadeed iyo mas’uuliyadda hay’adeed, kuwaasi waxaa ay mudan yihiin dhiirigalin iyo mahadnaq.
Cabdirisaaq Dhagacadde – Saxafi
