Waxaa muddo bil iyo hal maalin ah xabsi ku jirta Sacdiyo Macallin Cali Xasan, oo si weyn loogu yaqaan “Sacdiyo Bajaaj.” Sacdiyo ayaa horey loo xiray sababo la xiriiray hadallo ay warbaahinta ka sheegtay, waxaana la rumeysan yahay in xariggan labaad uu sidoo kale la xiriiro aragtideeda siyaasadeed iyo dhaliilaha ay dowladda iyo madaxweynaha u jeedin jirtay.
Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in xarigga muddada dheer ee Sacdiyo uu la xiriiro xorriyadda hadalka, waxayna ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo.
Warbixin uu 9-ka bishan daabacay wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay, iyadoo laga soo xiganayo Sacdiyo, in askar kamid ah ilaalada xabsiga ay u geysteen jirdil, cunno la’aan iyo in lagu hayay qol gooni ah.
Sacdiyo ayaa baraha bulshada si joogto ah uga hadli jirtay arrimo ay kamid yihiin musuqmaasuqa, qaraabo-kiilka, shaqo la’aanta dhalinyarada, canshuuraha iyo sare u kaca qiimaha shidaalka.
Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in xarigga Sacdiyo uu yahay caburin ka dhan ah codka dhalinyarada Soomaaliyeed. Wuxuu dowladda ku eedeeyay inay ka baqeyso dhaliisha nabadeed iyo aragtida dhalinyarada, isaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo.
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa warqad kasoo baxday 6-dii May ku sheegay in xafiiska gacanta ku hayo gal-dacwadeedka Sacdiyo Macallin Cali Xasan, kadib markii hay’adaha baarista ay u gudbiyeen kiiska. Waxaa lagu soo eedeeyay Sacdiyo “sumcad-dil” iyo “kicin bulsho.”
Sidoo kale, waxaa weli taagan su’aalo la xiriira mowqifka guddiga xuquuqda aadanaha ee ay hoggaamiso Maryan Qaasim, maadaama ilaa hadda aan si rasmi ah looga maqal wax war ah oo ku saabsan kiiska Sacdiyo.
