Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda isku haya inay muujiyaan is-xakameyn, kana fogaadaan tallaabooyin kicin kara rabshado iyo xasillooni darro.
Qoraal ay safaaraddu soo saartay ayay sidoo kale ku dhiirrigelisay madaxda Soomaalida inay dib ugu laabtaan wada-hadal iyo is afgarad siyaasadeed.
Beesha caalamka ayaa walaac sii kordhaya ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan muranka la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo bannaanbaxyada mucaaradka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in mucaaradku aysan aqbali doonin in bannaanbaxyada lagu xaddido hal goob oo ay dowladda ogoshahay
Wuxuu si cad uga horyimid qorshaha dowladda ee ah in isu-soo-baxyada lagu qabto meelo gaar ah oo ay hay’adaha amnigu oggolaadaan.
Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku ekaa 15-kii May, islamarkaana aan lagu sii shaqeyn karin hannaan aan lagu wada heshiin.
Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka, iyadoo walaac laga muujinayo sida uu muranka siyaasadeed u saameyn karo amniga, doorashooyinka iyo xasilloonida Soomaaliya.
