OIC iyo Falastiin oo Cambaareeyay Furitaanka Waxa lagu sheegay Xarun Diblomaasiyadeed ee Somaliland ku Yeelatay Qudus
Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Dowladda Falastiin ayaa si adag u cambaareeyay furitaanka waxa lagu ku tilmaameen xarun diblomaasiyadeed oo Somaliland ku yeelatay magaalada Qudus ee la haysto.
Bayaan kasoo baxay OIC ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid sharci-darro ah, islamarkaana si cad uga hor imaaneysa Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada caalamiga ah ee khuseeya xaaladda magaalada Qudus.
Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa ku tilmaantay furitaanka xaruntan isku day lagu sharciyeynayo xaalad ka hor imaaneysa sharciga caalamiga ah iyo mowqifka beesha caalamka ee ku aaddan Qudus.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, uu ka qeyb galay furitaanka waxa lagu sheegay xarun diblomaasiyadeed ee Somaliland ku yeelatay magaalada Qudus.
Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan furitaanka xaruntan.
Soomaaliya ayaa hore u cambaareysay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, iyadoo ku tilmaantay tallaabo ka hor imaaneysa madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
