Haddii sannado badan ay caado ahayd in mucaaradku mideysnaado, dowladduna wajahdo cadaadis siyaasadeed, maanta sawirku waa ka duwan yahay.
Khilaafkii ayaa u muuqdaa inuu u wareegay gudaha garabyada mucaaradka. Kala aragti duwanaanshaha ayaa sii xoogaystay tan iyo markii qaar ka mid ah garabyada mucaaradku shuruudo ku xireen cidda qayb ka noqon karta isbahaysigooda.
Taas ayaa keentay in ay samaysmaan kooxo kala aragti duwan, halka siyaasiyiin kale ay doorteen inay dowladda kala shaqeeyaan arrimo ay ka mid yihiin geeddi-socodka wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashada qof iyo cod.
Xeeldheereyaasha siyaasadda qaarkood waxay aaminsan yihiin in loollanka ka dhex jira mucaaradka uusan ku koobnayn kala aragti siyaasadeed oo keliya, balse uu sidoo kale ka tarjumayo tartan hoggaamineed u dhexeysa siyaasiyiinta mucaaradka.
Tusaale ahaan, waxaa jiray diidmo ka timid xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ku aaddan in Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si toos ah uga mid noqdo isbahaysiga.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa hore u sheegay in Farmaajo looga baahan yahay inuu ka jawaabo eedeymihii la xiriiray xilligii uu xilka hayay, isagoo ku dooday inuusan waxba kaga duwanayn maamulka hadda jira.
Isbeddelladan ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qayb ka mid ah mucaaradka, kuwaas oo diiradda saaraya hannaanka doorashooyinka.
Hadaba, kala qaybsanaanta mucaaradku yaa uga faa’iidaysanaya?
Ma dowladda ayaa cadaadiska siyaasadeed ka yaraanaya, mise waxaa bilaabanaya tartan cusub oo hoggaanka mucaaradka dhexdiisa ah? Jawaabta su’aalahaas waxaa si weyn u saameyn doona sida ay u dhammaadaan wada-hadallada siyaasadeed ee socda iyo sida ay isu abaabulaan garabyada mucaaradka bilaha soo socda.
