Ciidamo ka tirsan Puntland Security Force (PSF) ayaa la sheegay inay ka baxeen saldhiggoodii u dhow Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ee dhinaca Puntland, iyagoo u guuray deegaanka Baraxley oo ka tirsan Galmudug.
Wararka ayaa sheegaya in tallaabadan ay timid kaddib markii ciidamada Puntland ay hareereeyeen saldhigga PSF, halka maamulka Puntland uu markii dambe xiray saldhigga laga guuray.
Dhanka kale, Wasiirka Qorsheynta Galmudug ayaa beeniyay eedeymo uga yimid Puntland oo ku saabsanaa in dhulka Galmudug loo adeegsaday taageeridda ciidamo khatar ku ah Puntland.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in tallaabadan ay sii adkeyn karto xiisadda amni ee u dhexeysa Puntland iyo PSF, maadaama ay saameyn karto xiriirka Galmudug iyo dowladda federaalka. Ilaa hadda, PSF, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug midkoodna kama uusan soo saarin war rasmi ah oo xaqiijinaya dhaq-dhaqaaqan.
