Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay isu diyaarinayso wada-hadallo ay Jarmalka kala yeelanayso qorshe ku saabsan dib-u-celinta ku dhowaad 1,900 muwaadin Soomaali ah, kuwaas oo la qorsheynayo in dalka lagu soo celiyo bisha Oktoobar.
Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, afar wakiil oo ka socda dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay 3-da Oktoobar u safraan Jarmalka, si ay uga wada-hadlaan habraaca iyo qaabka loo fulinayo qorshaha dib-u-celinta.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dadka ku jira liiska dib-u-celinta ay ka kala soo jeedaan gobollo iyo deegaanno kala duwan oo Soomaaliya ah, iyadoo la sheegay in tiro badan ay ka soo jeedaan Puntland iyo Somaliland.
Hase yeeshee, weli ma cadda in dhammaan dadka liiska ku jira ay dhammeysteen dhammaan waddooyinka sharci ee ay ku heli karaan oggolaanshaha inay Jarmalka ku sii joogaan, ama in qaar ka mid ah ay weli haystaan sharciyo degenaansho ama dukumentiyo ilaalin ah.
Qorshahan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka Yurub ee ku saabsan dib-u-celinta muwaadiniinta. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay fulisay dib-u-celinno iskaa ah iyo kuwo bani’aadamnimo, iyadoo sheegtay in la doonayo in dadka dalka lagu soo celiyo si ammaan ah, sharaf leh, isla markaana loo sameeyo taageero dib-u-dhexgal.
Dhanka kale, Midowga Yurub ayaa bishii Juun ku dhawaaqay in la adkeynayo qaar ka mid ah habraacyada fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo tallaabadaas lagu xiriiriyay waxa Midowga Yurub ku tilmaamay wada-shaqeyn aan ku filnayn oo Soomaaliya kala sameyso dib-u-qaadashada muwaadiniinteeda ku sugan Yurub si aan sharci ahayn.
Qorshaha dib-u-celinta ayaa sidoo kale dhalisay su’aalo ku saabsan dammaanadaha sharci iyo kuwa bani’aadamnimo ee loo baahan yahay in la siiyo dadka la celinayo, gaar ahaan kuwa laga yaabo inay haystaan xaalad sharci oo weli jirta ama codsiyo ilaalin ah oo aan weli laga gaarin go’aan.
Waxaa sidaas darteed la isku raacsan yahay in haddii qorshahan la fuliyo, dib-u-celintu ay u baahan tahay in lagu saleeyo habraacyada sharciga ah, iyadoo si gaar ah loo tixgelinayo xaaladda dadka nugul iyo xuquuqda qof kasta ee ku jira liiska.
