Maraykanka ayaa la sheegay inuu wax ka beddelay mowqifkiisii hore ee ku aaddanaa taageerada Qaramada Midoobay ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AUSSOM.
Washington ayaa hore u diidday in Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOS, uu sii wado taageerada saadka iyo howlaha AUSSOM wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar 2026.
Laakiin maxay tani uga dhigan tahay Soomaaliya iyo ciidamada AUSSOM?
Sida lagu sheegay warqad aan rasmi ahayn oo uu Mareykanku diyaariyay, Washington waxay soo jeedisay in UNSOS si tartiib ah loo soo afjaro muddo 12 bilood ah, kadib marka uu dhammaado muddada ka dabaysta ah, hadda ee AUSSOM waxay ku egtahay ku eg 31-ka December 2026.
Xafiiska UNSOS waxa uu taageero muhiim ah siiyaa howlgalka AUSSOM, oo ay ku jiraan gaadiidka, shidaalka, adeegyada caafimaadka, isgaarsiinta, dhismaha iyo dayactirka qalabka.
Haddii qorshaha 12-ka bilood ah la meel mariyo, Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay waxay heli doonaan waqti dheeraad ah oo ay ku diyaariyaan nidaam kale oo lagu sii wado taageerada saadka iyo howlgalada amniga.
Hase yeeshee, tani weli ma aha go’aan kama dambeys ah oo ka yimid Washington.
Warqadda Mareykanka ayaa ah mowqif gorgortan, iyadoo wadahadalladu ay weli socdaan.
Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka ciidamada ku tabaruca AUSSOM waxay horey u doonayeen in taageerada UNSOS la sii wado muddo ka badan hal sano.
Arrintan ayaa muhiim u ah mustaqbalka howlgalka amniga Soomaaliya.
Haddii UNSOS si degdeg ah loo xiro, waxaa soo baxaya su’aalo ku saabsan cidda qaadi doonta mas’uuliyadda adeegyada saadka ee ay hadda bixiso Qaramada Midoobay.
Laakiin haddii la helo muddo kala-guur ah oo 12 bilood ah, waxaa jiri kara fursad lagu diyaariyo hannaan cusub oo taageero loogu fidiyo ciidamada Soomaaliya iyo AUSSOM.
Marka hadda, su’aashu ma aha oo keliya goorta UNSOS la xirayo.
Su’aasha ugu weyn waxay tahay: yaa buuxin doona kaalinta UNSOS marka ay hawlgab noqoto?
Wadahadallada socda ayaa go’aamin doona qaabka taageerada caalamiga ah ee howlgalada amniga Soomaaliya sanadaha soo socda.
