ONLF ma ku biirtay isbahaysiga cusub ee doonaya inuu xukunka Abiy Ahmed meesha ka saaro? Jawaabtu hadda waxay ku xiran tahay garabka ONLF ee aad ka hadlayso.
Isbahaysiga cusub ee toddobada kooxood ayaa si rasmi ah ONLF ugu daray xubnihiisa.
Laakiin hadda waxaa soo baxay laba bayaan oo iska soo horjeeda, mid xaqiijinaya ka mid noqoshada isbahaysiga, iyo mid gebi ahaanba diidaya.
20-kii September, toddobo kooxood oo ay ku jiraan TPLF, Fano, OLA iyo ONLF. oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhawaaqay isbahaysi cusub.
Isbahaysigu wuxuu sheegay inuu doonayo in meesha laga saaro xukuumadda Abiy Ahmed lana dhiso dowlad ku-meelgaar ah.
22-kii September, garabka ONLF ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi ayaa soo saaray bayaan uu si cad ugu xaqiijinayo in ONLF ay tahay xubin aasaase ah oo isbahaysiga ka tirsan.
Garabkan wuxuu sheegay in go’aanka uu oggolaaday Guddiga Dhexe ee ONLF, isla markaana ka qaybgalka isbahaysigu uu ka dhashay wada-xaajoodyo hore u socday.
Garabka ONLF ee fadhigiisu yahay Jigjiga, oo uu hoggaamiyo Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbidhagax ayaa 21-kii September soo saaray bayaan uu ku diiday inuu ururku ku biiray isbahaysiga.
Garabkan wuxuu sheegay inuu weli ku taagan yahay siyaasadda nabadeed iyo heshiiskii 2018, isagoo wararka ku saabsan ku biirista isbahaysiga ku tilmaamay kuwo aan ka tarjumayn mowqifka ururka.
Suaashu hadda ma aha ONLF ma ku jirtaa isbahaysiga? Ee waxay tahay garabkee ku jira, yaase leh awoodda matalaadda ururka.
Khilaafkan hoggaamineed ma aha mid maanta bilowday.
Labada garab waxay muddo isku hayeen cidda sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba matasha ONLF. Garabka Qalbidhagax wuxuu sheegay in Mahdi looga qaaday xilka shirkii ONLF ee Jigjiga ee 2025, halka garabka Mahdi uu diiday sharciyadda geeddi-socodkaas.
Waxa hadda si cad loo xaqiijin karo waa saddex arrimood:
Isbahaysigu ONLF ayuu xubnihiisa ku daray.
Garabka Mahdi ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay ka mid noqoshada.
Garabka Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbidhagax ayaa si rasmi ah u diiday.
Waxa aan weli la xaqiijin waa garabka haysta taageerada ugu badan ee xubnaha ONLF, qaab-dhismeedka siyaasadeed ee gobolka iyo dagaalyahannadii hore.
Haddii labada garab ay sii kala fogaadaan, khilaafka ONLF laftiisa wuxuu noqon karaa qayb ka mid ah loollanka cusub ee siyaasadeed iyo amni ee Itoobiya.
Gobolka Soomaalida Itoobiya wuxuu xuduud dheer la wadaagaa Soomaaliya.
Sidaas darteed, haddii isbahaysigu isu beddelo iskaashi ciidan oo dhab ah, ama dhaqdhaqaaqyo hubaysan ay ka bilowdaan gobolka, waxay saameyn ku yeelan kartaa amniga xadka, ganacsiga, socdaalka iyo dhaqdhaqaaqa dadka ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.
