Dowladda Britain ayaa Soomaaliya ugu deeqday 5 milyan oo Pound, si loogu taageero diyaar-garowga fatahaadaha la filayo xilliga roobabka Deyrta ee u dhexeeya Oktoobar iyo Diseembar.
Dhaqaalaha ayaa lagu xoojinayaa nidaamyada digniinta hore, iyadoo sidoo kale lagu caawinayo qoysaska ku nool goobaha fatahaaduhu halista ku yihiin inay u guuraan meelaha ammaan ah.
UK ayaa sheegtay in maalgelintan ay gaari karto ilaa 600 kun oo qof, iyadoo lagu taageerayo adeegyada caafimaadka, nafaqada, biyaha iyo fayadhowrka.
Sidoo kale, waxaa la qorsheeyay in la sii shaqeeyo ilaa 71 xarumood oo caafimaad, halka adeegyo caafimaad oo guur-guura la gaarsiin doono dadka ay fatahaaduhu go’doomiyaan.
Maalgelintu waxay si gaar ah u taageeri doontaa bulshooyinka ku nool meelaha fatahaaduhu saameyn karaan, gaar ahaan Jowhar iyo Beledweyne, iyo ku dhowaad 100 xero oo ay ku nool yihiin dadka gudaha ku barakacay.
UK waxay sheegtay in 2.5 ilaa 3.5 milyan oo qof ay Soomaaliya ka saameyn karto fatahaadaha la filayo.
Fatahaadihii Soomaaliya ka dhacay sanadkii 2023, kuwaas oo lala xiriiriyay El Niño, ayaa saameeyay ku dhowaad 2.48 milyan oo qof, halka 1.2 milyan ay barakaceen.
Dowladda Britain ayaa sheegtay in tallaabada hore loo qaado ay muhiim u tahay badbaadinta nolosha iyo ilaalinta nolol-maalmeedka bulshada.
