Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay xirayso safaaradda Itoobiya ee caasimadda Eritrea ee Asmara, iyadoo tallaabadan ku sababaysay waxa ay ku tilmaantay falal cad iyo kuwo dadban oo colaadeed oo Eritrea ay kula kacday Itoobiya.
Wasaaraddu sidoo kale waxay 10 diblomaasi oo Eritrean ah oo ku sugan Addis Ababa ku dhawaaqday “persona non grata”, iyadoo ku eedaysay inay ku lug lahaayeen hawlo ay sheegtay inay khatar toos ah ku yihiin amniga qaranka Itoobiya, isla markaana ay jebinayaan Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed.
Dowladda Itoobiya ayaa 10-ka diblomaasi siisay 48 saacadood inay dalka kaga baxaan.Itoobiya waxay ugu baaqday dowladda Eritrea inay joojiso dhammaan tallaabooyinka ay sheegtay inay ka hor imaanayaan mabaadi’da lagu maamulo xiriirka dowladaha madax-bannaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in Addis Ababa ay weli ka go’an tahay ilaalinta xiriirrada taariikheed, dhaqanka iyo xiriirka shucuubta ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.
Wasaaraddu waxay sidoo kale xustay in mudnaanta Itoobiya ay tahay wada-noolaansho nabadeed, xasilloonida gobolka iyo is-dhexgalka gobolka.
Waxay intaas ku dartay in Itoobiya ay weli ka go’an tahay in khilaafaadka lagu xalliyo si nabadeed, iyo inay la shaqeyso dalalka Geeska Afrika si loo gaaro nabad waarta, amni iyo is-dhexgal goboleed.
