Dowladda Kenya ayaa Xassan Cumar Daffa oo ka soo jeeda gobolka Wajeer ee waqooyi-bari dalkaas u magacowday Qaadiga Guud ee dalka, isaga oo noqonaya ninkii ugu horreeyay ee aan ka soo jeedin deegaannada xeebaha ah ee xilkan qabta tan iyo xornimadii Kenya.
Magacaabistan ayaa timid kaddib hannaan tartan ah oo ay sameysay Guddiga Adeegga Garsoorka Kenya, iyadoo Daffa uu horay u soo noqday Qaadi Sare.
Xassan Cumar ayaa shahaadada Master-ka ee culuumta iyo hab-raaca fiqiga Islaamka iyo shahaadada koowaad ee Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka ka qaatay Jaamacadda Umm Al-Qura ee dalka Sacuudiga.
Sidoo kale, wuxuu shahaadada koowaad ee sharciga ka qaatay Jaamacadda Mount Kenya, isaga oo ah qareen ka diiwaangashan Maxkamadda Sare ee Kenya.
Xafiiska Qaadiga Guud ee Kenya ayaa kormeera maxkamadaha Qaadiga ee dalka, kuwaas oo qaada dacwadaha la xiriira sharciga qoyska ee Muslimiinta, sida guurka, furriinka, dhaxalka, iyo arrimaha kale sida xaqiijijnta dhalashada bisha Ramadan iyo ciidaha.
Magacaabista Hassan Omar Daffa ayaa taariikhi u ah Soomaalida Kenya, maadaama markii ugu horreysay tan iyo xornimada dalkaas uu nin ka soo jeeda gobolka Waqooyi-bari loo magacaabay xilkan.
