Masar ayaa la sheegay in loo diyaarinayo goob ay ciidamadeedu ka hawlgalaan, iyadoo la sheegay in deegaanka Ceel-Cadde, yahay goobta la dejinayo ciidamada Masar.
Saraakiil, tababarayaal iyo la-taliyeyaal milatari oo Masaari ah ay wadaan diyaar-garowga ciidamada.Ciidamada ayaa la filaya inay Soomaaliya ku yimaadaan laba waddo: heshiiska iskaashiga milatari ee labada dal iyo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Qorshahan ayaa salka ku haya heshiiskii iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Masar ay kala saxiixdeen sannadkii 2024.
Waxaa kale oo warbixinada ay sheegayaan in saraakiil Masaari ah ay gaareen deegaankaHase yeeshee, ma jiro xaqiijin rasmi ah oo madax-bannaan oo caddeyneysa in goobtaasi tahay saldhigga kama dambaysta ah ee ciidamada Masar.
Sidoo kale, Qaahira weli si rasmi ah uma shaacin tirada ciidamada lasoo dirayo, waqtiga ay imaanayaan ama sida loo kala qeybinayo ciidamada ku biiraya AUSSOM iyo kuwa ku imaanaya heshiiska labada dal.PTCDiyaar-garowgan wuxuu ku soo beegmayaa xilli iskaashiga difaaca ee Muqdisho iyo Qaahira uu sii xoogeysanayo.
Bishii Sebtembar, saraakiil milatari oo labada dal ka socda ayaa kulammo ku yeeshay Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay tababarka ciidamada Soomaaliyeed, tayeynta awooddooda iyo iskaashiga difaaca.3-dii Oktoobar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Caalameyn kula kulmay Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi, kaas oo mar kale xaqiijiyay taageerada Masar ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.Maalintii xigtay, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan ayaa kulan afar geesood ah ku yeeshay isla magaaladaas, iyagoo ka hadlay amniga gobolka iyo Badda Cas.
Laakin u diyaargarowga ciidamada Masar ayaa kusoo beegmaya xilli howlgalka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhanka maalgelinta iyo saadka aBilowgii Sebtembar, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa sheegay in Masar ay diyaar u tahay inay ciidamo soo dirto, balse ay jireen arrimo farsamo iyo kuwo maaliyadeed oo weli la dhammaystirayo.
Joogitaanka ciidamada Masar wuxuu sidoo kale yeelan karaa macne ka baxsan dagaalka Al-Shabaab.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya, gaar ahaan muranka Biyo-xireenka Itoobiya iyo dadaallada Addis Ababa ee marin-u-helidda Badda Cas.
Qaahira waxay si weyn uga walaacsan tahay saamaynta maamulka biyo-xireenka ee webiga Niil, halka Itoobiya ay doonayso marin badeed ay isku halleyn karo.
Soomaaliya waxay sii noqonaysaa goob muhiim u ah iskaashiga amni ee gobolka, iyadoo Masar ay qorsheyneyso inay door muuqda ka qaadato taageerada ciidamada Soomaaliyeed.Hadda, waxa weli la sugayaa waa tirada ciidamada Masar, waqtiga ay imaanayaan iyo goobaha rasmiga ah ee ay ka hawlgeli doonaan.
