Xaaladda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sii adkaaneysa, kaddib markii ciidamo ka tirsan Macawiisleyda oo taageero ka helaya siyaasiyiin iyo ganacsato deegaanka ah ay la wareegeen qaybo muhiim ah oo ka tirsan xarunta maamulka Lamagalaay.
Ciidamadan ayaa calanka Hirshabeelle ka dejiyay xarunta, iyagoo halkii ku reebay calanka Soomaaliya.
Macawiisleyda oo wata gaadiid dagaal ayaa gudaha u galay xarunta Lamagalaay, halkaas oo ay fariisimo ka sameysteen xarumaha maamulka gobolka.
Waxay sidoo kale la wareegeen afaafka hore ee buundada Liqliqato iyo goobo ku dhow garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.
Dhaqdhaqaaqan ayaa la xiriira diidmada go’aankii Madaxweyne Cali Guudlaawe uu xilka kaga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Maxamed Xuseen Maxamed, kuna magacaabay Muuse Salaad Weheliye.
Guddoomiyihii hore ayaa weli ku sugan xarunta maamulka, halka guddoomiyaha cusub uu ku sugan yahay qaybta ciidamada ee Lamagalaay.
Ciidamada Xoogga Dalka ee markii hore ku sugnaa afaafka xarunta ayaa la sheegay inay halkaas isaga baxeen, iyadoo aan la soo sheegin wax iska horimaad hubeysan ah.
Muummin Maxamed Khalaane, guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas oo lala xiriirinayo dhaqdhaqaaqan, ayaa sheegay in Macawiisleydu aysan dagaal kula jirin ciidamada dowladda, balse ay la wareegeen xarumaha maamulka gobolka. Waxa uu sidoo kale uga digay saraakiisha amniga inay faragelin ku sameeyaan dhaqdhaqaaqooda.
Xiisaddan ayaa sii xoogeysanaysa iyadoo la filayo in Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax, iyo wafdi uu hoggaaminayo ay gaaraan Beledweyne.
Hase yeeshee, Macawiisleyda ayaa farriimo adag u dirtay maamulka Hirshabeelle, iyagoo ka soo horjeeda hoggaanka cusub ee gobolka.
Waxaa weli la sugayaa jawaabta Dowladda Federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ee xaaladda Beledweyne, iyadoo magaalada ka jiraan xisado, balse aan ilaa hadda la soo sheegin dagaal toos ah oo dhexmaray dhinacyada.
