Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa difaacay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho, isaga oo wareysi uu siiyay telefishinka Sky News barbar dhigay caasimadda Soomaaliya magaalada London.
Madaxweynaha ayaa mar wax laga weydiiyay amniga Muqdisho sheegay in haddii Muqdisho aan loo aqoonsan karin magaalo ammaan ah, London-na aan lagu tilmaami karin magaalo ammaan ah.
Wareysiga oo ay qaadday weriyaha Sky News, Yousra Elbagir (Yusra El Baqir), ayaa Madaxweynaha wax looga weydiiyay caqabadaha amni ee Soomaaliya, gaar ahaan khatarta Al-Shabaab iyo dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo amniga dalka.
Wadahadalka ayaa sidoo kale taabtay caqabadaha hortaagan dadaallada Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada iyo xaqiijinta xasilloonida.
Isbarbardhigga uu Madaxweynaha sameeyay ayaa muujinaya mowqifkiisa ku aaddan amniga Muqdisho, isaga oo ku dooday in khataraha amni aysan ku koobnayn Soomaaliya keliya, balse ay yihiin caqabado ay magaalooyin kale oo caalamka ahna wajahayaan.
Marka laga soo tago amniga Muqdisho, wareysiga waxaa sidoo kale lagu soo qaaday suurtagalnimada dib u soo laabashada burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrimaha horseedi kara soo laabashada falalkaas iyo baahida loo qabo in wax laga qabto xaaladaha abuuri kara fursad ay burcad-badeeddu dib ugu soo xoogeysato.
Wareysiga ayaa sidoo kale lagu soo qaaday arrimaha gobolka, gaar ahaan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland iyo saameynta uu ku yeelan karo Soomaaliya, iyadoo dowladda federaalku arrintan u aragto mid taabanaysa madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay faragelinta shisheeye ee Soomaaliya, xaaladaha amni ee gobolka iyo mowqifka Soomaaliya ee colaadaha caalamiga ah.
Arrimahan ayaa qayb ka ahaa dood ballaaran oo ku saabsan amniga, siyaasadda iyo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka.
Wareysiga Sky News ayaa Madaxweynaha fursad u siiyay inuu ka jawaabo su’aalo la xiriira amniga Muqdisho, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, khatarta burcad-badeedda iyo arrimaha gobolka. Hadalkiisa uu Muqdisho ku barbar dhigay London ayaa ka mid ahaa qodobadii ugu weynaa ee wareysiga.
