Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AUSSOM, ayaa qorsheynaya in la sugo afar goobood oo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, xilli Ugandha ay bilowday inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya.
Afarta goobood ayaa kala ah Sabid-Anole, Bariire, Awdheegle iyo Buulo-Naagad iyagoo loo aqoonsaday kuwo muhiim u ah sugidda amniga Shabeellaha Hoose
Warbixinta ayaa sheegaysa in goobahan la qorsheeyay in la ilaaliyo inta lagu jiro wareejinta iyo kala-wareegga ciidamada ee bisha November.
AUSSOM ayaa afarta goobood u aragta kuwo istiraatiiji u ah difaaca magaalada Muqdisho.
Qorshahan ayaa kusoo aadaya iyadoo Ugandha ay bilowday inay Soomaaliya kala baxdo ciidamadii ku joogay heshiis amni oo laba geesood ah oo ay la gashay dowladda Federaalka.
Milatariga Ugandha ayaa Isniintii xaqiijiyay in kooxdii ugu horreysay ee ciidamada laga soo celinayay Soomaaliya ay gaareen dalkooda.
Dowladda Uganda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay qorsheyneyso in dhammaan ciidamadeeda Soomaaliya kala baxdo, oo ay ku jiraan kuwa ka tirsan howlgalka AUSSOM, dhammaadka sannadka 2027.
Ciidamada AUSSOM ayaa la sheegayaa inay dib uga gurtaan magaalada Baraawe, balse weli waxaa taagan su’aalo ku saabsan cidda la wareegi doonta masuuliyadda saldhigyada kale ee ay ciidamada Ugaandha ka baxayaan
Arrintan ayaa muhiim u ah qorshaha kala-guurka amniga, gaar ahaan goobaha istiraatiijiga ah ee ku yaalla Shabeellaha Hoose iyo difaaca caasimadda.
Qorshaha AUSSOM ee lagu sugayo afarta goobood ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay in si taxaddar leh loo maareeyo isbeddelka ciidamada, si aanay uga dhalan firaaq amni oo ay Al-Shabaab ka faa’iideysan karto.
