Xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee dalka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed—kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo jihada doorashooyinka soo socda.
Codad si qarsoodi ah looga duubay gudaha shirka ayaa bannaanka soo dhigay aragtiyo culus oo ay odayaashu si toos ah ugu jeedinayeen Madaxweynaha—kuwaas oo muujinaya baaqyo ku aaddan tanaasul, wadatashi, iyo in talada dalka la isu keeno.
“Ina rag walaalaow wax uu ku dhaamo la waa! Madaxweyne, ragga kursigaaga eegaya—sidee wax loo galaa, sideese cadaalad u aragtaan—oo igu la tartami kartaan dheh.” – Garaad Jaamac
Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ka mid ah isimada Waqooyi Bari, ayaa ka mid ah codadka laga maqlayo duubista, isaga oo si sarbeeb iyo toosba isugu jira u hadlayay.
Garaadka ayaa Madaxweynaha xasuusiyay marxaladihii adkaa ee mucaaradku soo mareen, isaga oo ku boorriyay in talada “dhulka la dhigo,” si fursad loo siiyo aragtiyada kala duwan.
“Waa idinka awood weynahay—adaa shalay ka qeyliyay, maanta yaan lagaa qeylin”. ayuu yiri, Garaad Jaamac
Mucaaradka dowladda ayaa maalmo ka hor ugu baaqay in odayaasha dhaqanka ay door firfircoon ka qaataan xalinta marxaladda kala-guurka.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkaystay in doorashada soo socota ay noqoto mid qof iyo cod ah—arrin uu ku tilmaamay xuquuq dastuuri ah oo aan laga tanaasuli karin.
Warmurtiyeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu yiri:
“In dadka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee doorashada hoggaamiyaha ay doonayaan—57 sano kaddib—waa mabda’ aan gorgortan galayn.”
Haddaba, odayaasha dhaqanku ma noqon doonaan xalka khilaafka iyo ismari-waaga siyaasadeed?
Mise kala aragti duwanaanshuhu wuu sii jiri doonaa—iyadoo saamileyda siyaasadda ay weli isku mari la’yihiin jihada dalka?
