Magaalada Baydhabo ayaa saaka deggen, kaddib markii xalay uu dagaal ku dhex maray ciidamo taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, iyo ciidamada dowladda Federaalka oo fariisin ku lahaa duleedka magaalada.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in weerarka ay soo qaadeen ciidamada taageersan Laftagareen, iyadoo la tilmaamayo in iska hor imaadka uusan sababin khasaare xooggan.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan laba askari ay ku dhaawacmeen dagaalka, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin dhinacyada ay ka tirsanaayeen.
Sidoo kale, wararka ayaa intaa ku daraya in hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda lagu qabtay iska hor imaadka.
Ciidamada taageersan Laftagareen ayaa hore weerarro uga fuliyay agagaarka Baydhabo, iyadoo dowladda Federaalka lagu dhaliilayo inaysan weli xal waara u helin dhaqdhaqaaqyada hubeysan ee ka dhaca magaalada.
Waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in iska hor imaadyo kale ay dhacaan, maadaama la filayo in ay suurtagal tahay rogaal-celin iyo isku dhacyo kale oo hubeysan
