Su’aasha ah: Dowladda Mareykanka hore ma u dishay hoggaamiye dal kale? — waa mid culus oo taabanaysa taariikh, sharci iyo istiraatiijiyad amni.
Muddo tobanaan sano ah, Mareykanku wuxuu ka fogaanayay in si toos ah loo beegsado madax dalal kale, gaar ahaan kaddib fadeexado ka dhashay howlgallo qarsoodi ah oo ay fulisay Ha’adda Sirdoonka Central Intelligence Agency (CIA).
Si kastaba, dilkii hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ali Khamenei, ayaa lagu tilmaamay mid jebinaya dhaqankii dhowrsanaantaas — iyadoo markii ugu horreysay taariikhda casriga ah si fagaare ah loo beegsaday madax dal shisheeye. Tallaabadan ayaa la sheegay in Mareykanku la fuliyay xulafadiisa Israel.
Amar Mamnuucayay Dilalka Siyaasadeed — Balse Xaddigiisa La Fasiray
Sanadkii 1981, madaxweynihii hore ee Mareykanka Ronald Reagan ayaa saxiixay amar fulineed oo mamnuucaya ku lug lahaanshaha Mareykanka ee “dilal siyaasadeed.” Amarkan weli si rasmi ah ayuu u shaqeynayaa.
Hase yeeshee, kaddib weerarradii 11-kii Sebtembar 2001, Koongareeska ayaa siiyay Aqalka Cad awood ballaaran oo la xiriirta adeegsiga xoog ciidan si loola dagaallamo argagixisada. Tan iyo xilligaas, madaxweynayaal ka kala socday labada xisbi ayaa oggolaaday beegsiyo lagu dilay hoggaamiyeyaal kooxo argagixiso.
Tusaale ahaan, 2020-kii, Donald Trump ayaa amray duqeyn lagu dilay taliyihii sare ee Iiraan Qasem Soleimani gudaha Ciraaq — tallaabo si weyn u kicisay xiisad caalami ah
Taariikhda: Ridid, Afgambi iyo Maxkamadeyn
Haddii dib loo eego taariikhda, marka Mareykanku ku lug yeesho rididda hoggaamiye, inta badan ma ahayn dil toos ah:
• Saddam Hussein waxaa la qabtay kaddib duullaankii Ciraaq, waxaana dil toogasho ah ku fulisay dowladdii Ciraaq kaddib maxkamadeyn.
• Muammar Gaddafi wuxuu ku dhintay dagaal dhex maray isaga iyo xoogag mucaarad ah oo ay taageerayeen duqeymo caalami ah.
• Hoggaamiyeyaashii Naasiyiinta waxaa lagu maxkamadeeyay Nuremberg kaddib Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Waxaa sidoo kale jiray faragelinno qarsoodi ah:
• 1953-dii, CIA-da waxay door ku lahayd afgambigii xilka looga tuuray ra’iisul wasaarihii Iiraan Mohammad Mosaddegh — inkastoo aan la dilin.
• 1973-kii, hay’addu waxay si qarsoodi ah uga qeyb qaadatay afgambigii ka dhanka ahaa madaxweynihii Chile Salvador Allende.
Maamulka Trump si cad uma adeegsan erayga “dil siyaasadeed” marka laga hadlayay howlgalka ka dhanka ah Khamenei, balse wuxuu ku dooday in Iiraan ay ahayd “halis degdeg ah.” Khubaro sharci iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa ka digaya in beegsiga madax dal uu noqon karo tallaabo jebin karta xeerarka caalamiga ah ee ku saleysan madaxbannaanida dowladaha.
Arrintan waxay furtay dood ballaaran oo ku saabsan:
• Xadka awoodda madaxweynaha Mareykanka
• Fasiraadda amarka mamnuucaya dilalka siyaasadeed
• Iyo sida ay mustaqbalka u ekaan karto siyaasadda amniga ee Washington

5 Comments
Pingback: doxiciclina
Pingback: Sildenafil vs Avanafil Summary
Pingback: Viagra vs sildenafil safety
Pingback: Brand vs Generic Excipient Differences
Pingback: tadalafil PK