November 15, 2026


Iyadoo xiisadda u dhexeysa Mareykanka, Israel iyo Iran ay sii kordheyso, qaar ka mid ah aqoonyahannada ugu caansan Mareykanka ayaa si cad uga hadlay jihada dagaalkan—iyagoo ku tilmaamay mid aan lagu guuleysan karin.

Prof. John Mearsheimer oo bare sare ka ah Jaamacadda Chicago ayaa si kulul u dhaliilay dagaalka, isaga oo sheegay in dagaalku yahay mid aan lagu guueleysan karin “Ma guuleysaneyno Iran, ma guuleysaneyno. Maxaa fariin ah oo aan direynaa? Waxaan direynaa fariin ah inaan nahay dad doqomo ah oo bilownay dagaal aanan ku guuleysan karin.” ayuu yiri

Hadalkaan ayaa muujinaya walaac sii kordhaya oo ku saabsan istaraatiijiyadda milatari iyo natiijada dagaalka. Dhankiisa, Prof. Jeffrey Sachs ayaa sheegay in Mareykanka iyo Israel aysan u gelin dagaalka is-difaac, balse ay wadaan weerar cad: wuxuuna yiri “Mareykanku ma sameynayo is-difaac, Israel-na sidoo kale ma sameyneyso is-difaac. Labadan dal waxay ku lug leeyihiin weerar cad oo sharci-darro ah.”


Sachs ayaa sidoo kale ku eedeeyay Mareykanka inuu laba jeer sheegay inuu wadahadal la galay Iran, balse isla waqtigaas uu bartilmaameedsaday hoggaamiyeyaal Irani ah.

Aragtiyadan ayaa ka tarjumaya dood sii xoogeysaneysa oo ka dhex jirta gudaha Mareykanka, halkaas oo aqoonyahanno iyo falanqeeyayaal badan ay su’aal gelinayaan ujeeddada iyo mustaqbalka dagaalkan.Qaar waxay ku doodayaan in dagaal lala galo Iran uu noqon karo mid dheer, qaali ah, isla markaana aan lahayn guul cad oo la taaban karo.


Iyadoo hadallada noocan ah ay isa soo tarayaan, waxaa weli taagan su’aasha ugu weyn;
Ma jiri doonaa xal diblomaasiyadeed, mise dagaalka ayaa sii dheeraan doona?
Doodda aqoonyahannada Mareykanka waxay iftiimineysaa kala qeybsanaan ku saabsan siyaasadda dibadda, iyo welwelka ah in dagaal cusub oo Bariga Dhexe ka qarxa uu keeni karo cawaaqib ballaaran oo saameeya gobolka iyo caalamkaba.

Leave A Reply

Exit mobile version