Kooxda kubadda cagta haweenka ee Iran ayaa noqotay mid si weyn u soo jiidatay indhaha caalamka, kaddib markii ciyaartoydu ay si lama filaan ah ugu muuqdeen inay ku dhex milmeen xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya mareykanka, Israel iyo Iran.
Ka hor inta uusan bilaaban dagaalka, kooxda haweenka Iran waxay u ambabaxeen tartanka koobka Asiya, Laakiin ciyaar ka dhacday Australia, ayay ciyaartoyda qaadin heesta calanka taas oo noqotay arrin si weyn uga dhalisay muran iyo caro gudaha Iran.
Kaddib cadaadis iyo dhaleeceyn, ciyaartoydu waxay mar dambe qaadeen heesta calanka, iyagoo xitaa qaar ay salaan sharaf saareen. Markii dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israel iyo Iran uu sii xoogeystay, xaaladda xulka ayaa toos ah isugu beddeshay mid siyaasadeeysan.
Ugu yaraan lix ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda haweenka Iran ayaa magangalyo ka helay dalka Australia, kaddib markii ay ka gaabsadeen qaadista heesta calanka.
Mas’uuliyiinta Australia ayaa ballan qaaday inay ilaaliyaan badbaadadooda, maadaama ciyaartoydu ay muujiyeen cabsi ay ka qabaan in ay dib ugu laabtaan Iran.
Iran ayaa sheegtay in ciyaartoyda lagu soo dhoweyn doono gacmo furan haddii ay dib ugu laabtaan dalka. Warbaahinta dalka Iran ayaa ciyaartoyda qaarkood ku tilmaamay in falkooda yahay “khayaano qaran,” kaddib go’aankooda ku aaddan heesta calanka.
Dhacdadaan ayaa dhaliyay suaal weyn oo ah. Ciyaartoydu ma leeyihiin xorriyad ay ku muujiyaan aragtidooda, mise waa in ay ku koobnaadaan ciyaaraha kaliya? Kiiska kooxda haweenka Iran wuxuu muujinayaa sida ciyaaraha iyo siyaasadda ay mararka qaar u kala sooci karin—gaar ahaan marka xiisado caalami ah ay sii xoogeysanayaan.
