Mararka qaar… siyaasaddu way kala fogeysaa dadka. Laakiin dhaqanku—waa kan dib isug soo celiya.
Magaalada Muqdisho waxay martigelisay caleema saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi—munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay… balse aad uga xeeldheered xaflad caadi ah.
Madax | Mucaarad | Dhaqan
Waxay ahayd madal mideysay dad kala aragti duwan—madaxda ugu sarreysa dowladda, iyo siyaasiyiin mucaarad. Laakiin laf-dhabarta munaasabadda waxay ahaayeen odayaasha iyo duubabka dhaqanka.
Fariinta: Dib-u-heshiisiin Dhab ah
Codkooda ma ahayn oo kaliya mid dhaqan…wuxuu ahaa mid xambaarsan fariin culus: dib-u-heshiisiin dhab ah.
Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed ayaa si toos ah u qiray fashilka siyaasiyiinta.
”Siyaasiyiintu waa is indho-buuxin waayeen, waa la is arkay, waa la wada fariistay, waxba waa la isku keeni waayay. Duubabow, maanta taladii waa la idinki soo celiyay.” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed
Sahriff wuxuu xusay in dhowr jeer la isku dayay wada-hadal— laakiin aan natiijo la gaarin. Wuxuuna duubabka dhaqanka ka codsaday inaysan ka tegin doorkooda.
Sidoo kale, Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud ayaa asna carrabka ku adkeeyay arrinta cafiska. Suldaan Cabdisalaan; “Qaar beelaha Soomaaliyeed weli isma cafin.”
Waa hadal aan la dafiri karin; in bulshada ay weli sidato dhaawacyo hore.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in odayaashu yimaadeen xilli muhiim ah, ayna tahay fursad aan la dayacin karin.
“Odeyaashu waa yimaadeen, waana fursad. Fursaddan ma aha mid meel cidlo ah lagu dayaco, talada ay leeyihiina ha bixiyaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in duubabka ay talada leeyihiin oo ay tahay mid loo baahan yahay in la maqlo.
Bulsho u baahan dib-u-heshiisiin
Marka la isku geeyo dhammaan fariimahaas—waxaa soo baxaya sawir cad: baahi loo qabo dhab u heshiisiin.
Haddii fursaddan si dhab ah looga faa’iideysto…waxay noqon kartaa bilow cusub—mid horseeda midnimo, kalsooni,
iyo xasillooni waarta.
Bilow Cusub | Soomaaliya Mideysan
