Guddiga lagy muransanyahay ee Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay bilaabashada diiwaangelinta ururrada siyaasadda, xilli dowladda Federaalka iyo mucaaradku ay weli isku khilaafsan yihiin hannaanka doorashooyinka dalka.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu mucaaradka ku casuumay wadatashi qaran oo la qorsheeyay inuu Muqdisho ka dhaco bartamaha bishan.
Guddiga ayaa sheegay in diiwaangelinta ururrada siyaasadda ay socon doonto muddo 21 maalmood ah, kuna eg tahay 22-ka Nofeembar 2026.
Jadwalka doorashooyinka ee guddigu hore u shaaciyay ayaa dhigaya in doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka la qabto 15-ka Abriil 2027, halka doorashada Madaxweynaha loo asteeyay 15-ka May 2027.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mucaaradka ku casuumay gogol wadatashi qaran oo Muqdisho ka dhici doonta 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar, si looga wada hadlo doorashooyinka federaalka iyo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.
Hase yeeshee, mucaaradka ayaa weli diiddan hannaanka doorasho ee uu guddigu wado, iyagoo ku adkeysanaya in marka hore heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka, ka hor inta aan la bilaabin tallaabooyinka doorashada.
Bilaabashada diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo gogosha wadatashiga ee la qorsheeyay ayaa imaanaya iyadoo aan weli heshiis laga gaarin hannaanka doorashooyinka. Waxaa hadda taagan su’aasha ah in wada-hadallada siyaasadeed ay horseedi doonaan is-afgarad ku saabsan jadwalka iyo qaabka doorashada dalka.
