Tan iyo billowgii sannadkan, hal arrin ayaa si joogto ah u qabsatay siyaasadda Soomaaliya iyo cinwaannada warbaahinta. Waa ‘Wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka’ Wareeg kasta oo wada-hadal ah wuxuu ku billowdaa rajo, balse inta badan wuxuu ku dhammaadaa is-afgarad la’aan.
19-kii Janaayo, Dowladda Federaalka ayaa gogol wadatashi u fidisay siyaasiyiinta mucaaradka. 17-kii Febraayo, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qado sharaf u sameeyay xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee aqbalay gogosha dowladda.
Laba maalmood kaddib, 19-kii Febraayo, isla xubnahaas ayaa lagu soo dhoweeyay Madaxtooyada Qaranka si loo sii ambaqaado wada-hadallada. Laakiin kulamadaasi ma aysan dhalin heshiis siyaasadeed oo dhameystiran. Horraantii bishii May, dowladda ayaa mar kale gogol cusub u fidisay Golaha Mustaqbalka.
Kulankaasna ma qabsoomin.
Sidoo kale, waxaa barbar socday dadaallo siyaasadeed oo kala duwan sida isku dayo lagu doonayay in la isu soo dhoweeyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Kaddib, waxaa mar kale dib-u- billowday wada-hadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo kusoo iyana ku dhamaaday natiijo la’aan.
Maanta waxaa socda wareeg kale oo wada-hadallo ah. Laakiin mar kale, waxaa soo baxaya calaamado muujinaya in is-afgaradku uusan weli dhoweyn. Sida ay sheegayaan ilo ku dhow wada-hadallada, guddiyadii farsamada ayaa ku guuldareystay inay isku raacaan qodobbada ugu muhiimsan ee doorashooyinka, taasoo hakad gelin karta geeddi-socodka.
Qodobka la isku hayo ma aha in doorasho la qabto iyo in kale. Waxa la isku hayo waa qaabka doorashada loo qabanayo. Dowladdu waxay ku adkeysaneysaa doorasho qof iyo cod ah oo ku dhisan nidaamka xisbiyada siyaasadeed.
Qaar ka mid ah mucaaradka waxay doonayaan doorasho toos ah, balse saldhig looga dhigayo nidaamka 4.5, halka ay weli jiraan khilaafyo ku saabsan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, qaabka guddiyada doorashada iyo saldhigga dastuuriga ah ee lagu qabanayo doorashada.
Marka la eego doodaha socda, waxaa muuqata in caqabadda ugu weyn aysan ahayn farsamo oo keliya. Waxay salka ku haysaa aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan oo ku saabsan sida awoodda dalka loo qaybsanayo.
Wareeggan hadda socda ayaa loo arkaa mid ka mid ah fursadaha ugu dambeeya ee lagu gaari karo heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka.
Haddaba, maxaa keenaya in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay ku guuldareystaan inay ku heshiiyaan hannaanka doorashooyinka?
