Wareeggii labaad ee wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo aan heshiis kama dambeys ah laga gaarin qodobadii miiska saarnaa.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin hannaanka doorashooyinka dalka iyo khilaafka ka taagan wax ka beddelka Dastuurka.
Kulamada waxaa dhexdhexaadinaysay dowladda Turkiga, waxaana sidoo kale ka qaybgalay wakiillo diblomaasiyadeed oo ka socday Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.
Dowladda Federaalka waxaa metelayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, halka wafdiga mucaaradka ama Golaha Mustaqbalka uu hoggaaminayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Ilo ku dhow Somalia24 ayaa sheegaya in dhexdhexaadiyeyaashu ay soo jeediyeen in arrimaha weli la isku hayo loo gudbiyo madaxda ugu sarreysa ee dhinacyada, si ay uga wada hadlaan oo xal looga gaaro.
Taas waxaa loola jeedaa kulan toos ah oo dhex mara Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaanka mucaaradka, oo ay ku jiraan madaxda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
Dhanka Xukuumadda, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay inuu weli rajo ka qabo in geeddi-socodka wada-hadalladu ugu dambeyn horseedi doono heshiis ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada.
SB: Xamza Cabdi Barre
Maxaa sababa in wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya ay marar badan ku soo dhammaadaan natiijo la’aan?
