Eritrea ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbatay tallaabo degdeg ah, iyadoo xiisadda kala dhexeysa Itoobiya ay sii xoogeysanayso.
Asmara waxay eedeymaha Itoobiya ee ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ciidamadeeda gudaha Tigray ku tilmaantay kuwo u dhigma “ku dhawaaqid dagaal.”
Khilaafkan ma ku ekaan doonaa is-eedeymo diblomaasiyadeed, mise wuxuu isu beddeli karaa dagaal cusub oo Geeska Afrika saameeya?
Warqad rasmi ah oo loo diray Golaha Ammaanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Osman Saleh, ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin ka hortag ah oo waafaqsan Cutubka 7-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay.
Wuxuu diiday eedeymaha Addis Ababa ee ah in ciidamada Eritrea ay ilaa 60 kiiloomitir gudaha u galeen gobolka Tigray.
Xiisaddan kuma koobna dhaq-dhaqaaqa ciidamada. Xiriirka Asmara iyo Addis Ababa ayaa sii xumaaday, iyadoo labada dal ay isku hayaan taageerada kooxaha hubeysan iyo damaca Itoobiya ee helitaanka marin-badeed.
Isku dhacyada cusub ee waqooyiga Ethiopia iyo khilaafka ku saabsan marin-badeedka ayaa kordhiyay walaaca laga qabo in muranka labada dal uu isu beddelo iska horimaad toos ah.
Haddii xaaladdu sii xumaato, saameyntu kuma ekaan donto labada dal, balse waxay gaari kartaa guud ahaan Geeska Afrika iyo amniga Badda Cas.
Eritrea waxay hadda Golaha Ammaanka ka dooneysaa tallaabo caalami ah, halka xiisadda milatari iyo tan diblomaasiyadeed ay sii kordhayaan.
Golaha Ammaanku ma xakameyn karaa xiisadda ka hor inta aysan labada dal isku dhicin, mise Geeska Afrika ayaa wajahaya khatar dagaal kale?
