Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Cafar ee Itoobiya, Awol Arba, ayaa Eritrea ku eedeeyay inay si toos ah uga qaybqaadanayso dagaallada ka socda gobolka Cafar.
Arba ayaa sheegay in ciidamo Eritrean ah ay garab socdaan xoogagga ka soo horjeeda dowladda federaalka Itoobiya, isagoo sidoo kale ku eedeeyay ciidamada Eritrea inay gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ka tirsan Zone 2 ee Cafar, isla markaana ay isku dayayaan inay xoog ku beddelaan xuduudaha.
Warbixinno laga helay gobolka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalladu ay ka socdaan qaybo ka mid ah Cafar, iyadoo ciidamada Tigrayga ay horey uga hawlgaleen gobolka.
Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Itoobiya ay si isa soo taraysa Eritrea ugu eedaynayso inay taageerto kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda federaalka.
Taliyaha Ciidanka Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, ayaa sidoo kale Eritrea ku eedeeyay inay maalgelin iyo taageero siiso kooxaha hubeysan, balse Eritrea ayaa eedeymahaas diiday.
Dhanka kale, dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo iska horimaadyadu ku fideen Tigray, Cafar iyo Amhara. Warbixinno ayaa sheegaya in ciidamada dowladda federaalka ay dib ula wareegeen Alamata, halka xoogagga Tigrayga ay weli ka dagaallamayaan qaybo ka mid ah Cafar, oo ay ku jirto Erebti.
Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah, ICRC, ayaa sheegtay inay 28-kii Sebtembar Mekelle uga daadgureysay 161 qof, kuwaas oo ay ku jireen ciidamo boolis federaal ah iyo qoysaskooda, shaqaale Ethiopian Airlines ah, ilaalo duulimaad, kormeerayaal Midowga Afrika iyo shaqaale Laanqeyrta Cas. Dadkan ayaa loo qaaday magaalada Semera ee gobolka Cafar.
Eedeymaha ku saabsan joogitaanka ciidamada caadiga ah ee Eritrea gudaha Cafar iyo baaxadda dhulka la sheegay inay gacanta ku hayaan weli si madax-bannaan looma xaqiijin. Dowladda Eritrea-na illaa hadda kama aysan jawaabin eedeymaha ku saabsan ciidamadeeda gudaha Cafar.
