November 14, 2026

Go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ee sharci-darrada ku tilmaamay muddo-kordhinta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u soo jiitay warbaahinta caalamka, taasoo mar kale iftiimisay khilaafka siyaasadeed iyo kan dastuuriga ah ee dalka ka taagan.

Warbaahinno waaweyn oo caalami ah, oo ay ka mid yihiin Associated Press, BBC, Washinton Post, Arab news, The east African, ABC News, iyo kuwa kale oo badan ayaa tebiyay go’aanka maxkamadda ee diiday muddo-kordhinta hal sano ah ee Madaxweynaha, isla markaana ku baaqay in doorashooyin la qabto muddo 90 maalmood gudahood ah.

Go’aanka oo la soo saaray Khamiistii, 5-tii November, ayaa sii xoojiyay loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo mucaaradka, iyadoo su’aalo waaweyn ay ka taagan yihiin muddo-xileedka Madaxweynaha, hannaanka doorashooyinka iyo awoodaha hay’adaha dowladda.

Warbaahinta caalamiga ayaa sheegtay in xukunka maxkamaddu sii xoojiyay loollanka awoodda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo BBC-da ay go’aanka ku tilmaantay diidmo ka dhan ah muddo-kordhinta Madaxweynaha, xilli uu dalku wajahayo khilaaf siyaasadeed. Warbaahinta caalamiga ah iyo tan gobolka ayaa sidoo kale baahisay eedeymo la xiriira sida dowladda Federaalka ula macaamilayso hay’adaha garsoorka.

Qaar kamid ah wargeysayada gobolka ayaa qoray eedeymo sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu amray in la xiro Guddoomiyihii Maxkamadda Sare.

Go’aankan ayaa cadaadis hor leh saaraya hoggaanka siyaasadeed ee dalka, iyadoo laga sugayo inuu xal u helo muranka dastuuriga ah, isla markaana dhinacyada siyaasadda ay ku heshiiyaan hannaan doorasho oo waafaqsan muddada ay Maxkamadda Sare u qabatay.

Leave A Reply

Exit mobile version