November 15, 2026

Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka dhammeystiran ee doorashooyinka dowlad-goboleedyada dalka.

Sida gudiga sheegay doorashooyinka golaha deegaanka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa bilaabanaya 10-ka May 2026, halka doorashada hoggaanka dowlad-goboleedkaas la qaban doono 23-ka May.

Jadwalka ayaa tilmaamaya in dowlad-goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug yeelanayaan jadwal isku mid ah, iyadoo doorashada hoggaankooda la qaban doono 9-ka luulyo.

Gobolka Banaadir, doorashada Golaha Caasimadda ayaa la qorsheeyay 30-ka luulyo, halka doorashada Duqa iyo Ku-xigeennadiisa la qaban doono 5-ta Agoosto

Sidoo kale, waxaa isku mar ah doorashada Golaha Deegaanka ee Waqooyi Bari, iyo Jubaland iyadoo jadwalka sheegaya in Jubaland laga qaban doona Gedo 30-ka July.

Guddiga ayaa sheegay in jadwalkan uu waafaqsan yahay dastuurka iyo shuruucda dalka, isla markaana uu yahay mid hagaya hannaanka doorashooyinka dowlad-goboleedyada.

Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in aysan marna aqbali doonin doorashooyinka laga qabanayo dowlad-goboleedyada.

Leave A Reply

Exit mobile version